Somali

Waalid ahaan, iyo kuwa dhalinyarada saameynta ku leh ahaan, waxaan u rabnaa carruurteena waxa ugu fiican. Waxaan sameynaa waxa ugu fiican si aan tusaale ugu noqono, laakiinse marmarka qaarkood, iyadoo aan micne lahayn, waxaa laga yaabaa inaan niraahno waxyaalo raaligeliya dabeecad aan xushmad lahayn.

Wareega qalalaasaha dumarka loola jeedo wuxuu ka bilowdaa xushmad darro. Markaan sameyno raalli gelino sida “wiilashu wiillal uun bay ahaanayaan” ama “wuu sameeyey sababtoo ah wuu ku jecel yahay”, dhalinyaradu waxay bilaabaan inay rumeystaan inay jiraan xaalado iyo sababo ka dhigaya dabeecada aan xushmada lahayn mid la aqbalayo.

Waa inaan kor u hadalnaa marka qof yiraahdo ama uu sameeyo wax raalli geliya xushmad darada xagga dumarka.

Adoo loolan la geliya dabeecadaha iyo qaababka oo kala hadlaya carruurteena wax ku saabsan xushmada, waynu caawin karnaa inaan joojino qalalaasaha lagu hayo dumarka ka hor intuusan bilaabmin.

Si aad u ogaato wax badan eeg qalabka ololaha ee hoose.

Infographic

Infographic-Somali-cover